Uncategorized

Gudoomiye ku xigeenka Golaha shacabka oo sheegay in mooshinka laga keenay Jawaari uusan Fashilmin.

Muqdisho-KNN-Shir jaraa’id oo uu xalay saq dhexe warbaahinta magaalada ugu qabtay Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka  Soomaaliya C/wali Shiikh Ibraahim Muudey ayaa waxaa uu kaga hadlay mooshinka laga keenay Gudoomiye Jawaari.
Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha shacabka Cabdiwali Shiikh Ibraahim ayaa tilmaamay in mooshinka uusan fashilmin isagana uu saxiixay oo uu yahay mid sax ah.
C/wali Muudey ayaa sheegay in mooshinkaas uu sharci noqday markii uu qabtay, isla markaana uu saxiixay, waxaana uu intaa ku dara in kulanki shalay ee Gudiga Joogtada ah uusan ahayn mid sharci ah mar hadii uusan isaga iskugu yeerin gudoomiyaha na laga keenay mooshin.
Waxaa saacadba saacada ka dambeysa tan iyo shalay subax cirka isku sii sharaaraya kala aragti duwanaanshaha Xidhibaanada Golaha shacabka iyagoo qaar mooshin gudbiyeen , qaarna Gudiga joogtada la shireen ayna sii dheertahay hadalada ay isku marinayaan warbaahinta.