Somali News

Gudoomiye laameed ka tirsan Degmada Wadajir oo lagu dilay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Koox ku hubeysan bistoolad ayaa Maanta waxaa ay degmada Waaberi  ee Gobolkan Banaadir ay ku dileen  Guddoomiye laameed ka tirsanaa Waaxda Timacade ee degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir.

Guddoomiye laameedka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Axmed Cali Woosh,waxana la sheegay in isaga iyo qof kale oo la socday lagu dilay Xaafada ansalooti qeybta degmada Waaberi ee Gobolkan Banaadir.

Kooxda dilka heysatay ayaa waxaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeeen.

Ciidamada Amaanka ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay.