Muqdisho-KNN-Koox dabley ah oo hubeysan ayaa Xalay Xaafadda Taleex ee degmada Hodan ku dilay Gudoomiye Laameed ka tirsnaa Maamulka Degmada Hodan ee Dowladda Hoose ee Xamar.
Dhalinyaro Bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay in ay dilkaan fuliyeen kadibna ay goobta ka baxsadeen, Marxuumka la dilay ayaa lagu magacabi jiray Cabdi Kuus.
Ragga dilka fuliyay ayaa la sheegay in ay toogasho ku dileen Marxuumka waxayna ku dhufteyn dhowr Xabadood taas oo walaac ku abuurtay dadka deegaanka.
Al-Shabaab ayaa Bartooda ay wararka ku baahiyaan ku soo qoray in ay dileen Gudoomiye Waaxeed ka tirsanaa Maamulka degmada Hodan ee gobalka Banaadir, Balse Saraakiil ka tirsan kuwa amaanka ayaa Idaacadda kulmiye u sheegay in toogasho lagu dilay Gudoomiye Laameed ka tirsan degmada Hodan.
Waa markii 2aad oo todobaadkaan gudahiisa Al-Shabaab Gudoomiye Laameed ku dilaan Magaalada Muqdisho dilkii ugu danbeeyay oo loo geestay Foos Maxamed Xuseen oo aheyd gudoomiye Laameed ayaa ka dhacay degmada Xamar jajab ee gobalka Banaadir.