Muqdisho-KNN-Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka soomaaliya ayaa xalay kula kulmay magaaalada muqdisho, Inka badan shan musharax oo u taagan qabashada xilka madaxweyne ee maamulka Koonfur Galbeed soomaaliya
Musharixiintan oo Todobo gaarayay ayaa Xubnaha kulanka la qaatay gudoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka soomaaliya waxaa ka mid ahaa Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur,Maxamed Aadan Farkeeti Wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya Yuusuf Baadiyow iyo xubno kale.
Musharaxiinta xalay lagula kulmay magaalada muqdisho ayaa waxa ay yihiin kuwa shaaciyay inay doonayaan qabashada xilka madaxweynaha maamulka koofur galbeed ee Soomaaliya.
Sida qorshuhu yahay Musharaxiinta oo Sabtida ku wajahan magaalada Baydhabo ayaa guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxaa ay si gaar ah uga xog wareysteen sida ay lagama maar maan u tahay in isbedel uu ku dhaco maamulka Koonfur Galbeed.
Musharaxiinta ugu cad cad ee la saadaalinayo inay tartan adag la geli karaan madaxweynaha Koonfur Galbeed oo qudhiisa musharax ah ayaa waxaa ka mid ah Sheekh Muqtaar Roobow Abuu Mansuur iyo Wasiirkii hore ee maaliyada soomaaliya Maxamed Aadan Farkeeti.


