Somali News

Gudoomiye Muuse Geelle Yuusuf oo ka war-bixiyay Shaqada hortaal guddiga doorashada heer federaal.

Muqdisho-KNN-Gudoomiyaha cusub ee guddiga doorashada heer federaal Muuse Geelle Yuusuf, ayaa sheegay in qabashada doorashada kuraasta aqalka hoose ay dardargalin doonaan.

Gudomiyaha oo u waramay BBC-da ayaa sheegay in uu rajeynayo in dorashada lagu soo gabagabeeyo waqtigii loo cayimay kaa oo ah 25 bisha soo socota.

Gudoomiyaha cusub ee guddiga doorashada heer federaal Muuse Geelle Yuusuf oo wax laga weeydiiyay sameeynta ay ku yeelan karto gudiga  khilaaf udhaxeeyo Madaxda dowladda ayaa sheegay in aysan wax lug ah kulahaan doonin khilaafka ka dhaxjito hogaanka dowladda.

“Dhinacyada is hayo iyo doorashada waa kala labo Dadku siyaasad ayeey isku hayaan lakin doorashadu waa mid lagu qabanayo dalka Soomaaliya, umadda Soomaaliyeedna maanta Doorasho ayeey ubaahantahy, anaguna waxaan ku wajaheeynaa in aan doorashada dhaqaajino oo waqtigii loo cayimay ku dhameeyno,, ayuu yiri Gudoomiyaha cusub ee guddiga doorashada heer federaal Muuse Geelle Yuusuf.

Guddiga guddiga hiirgelinta doorashooyinka heer Federal ee Somaaliya oo shalay la doortay Gudomiye Muuse waxaana ugu danbeeyntii uu  sheegay in aysan doonayn in marnaba uu dib u dhac kale ku yimaado jadwalka iyo qabashada doorashada.