Uncategorized

Gudoomiye Prof Jawaari oo dalbaday in si deg deg ah kulanka Golaha shacabka la iskugu yeero lana horgeeyo mooshinkiisa.

Muqdisho-KNN- Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari oo ay dhawaan mooshin ka keeneen xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markale si kulul uga hadlay xiisadda taagan.

Jawaari ayaa waxaa uu sheegay in xeer hoosaadka Golaha shacabka uu qabo in toban maalmood gudaheed mooshin hadii la keeno la horgeeyo xubnaha waxaana uu sidaas awgeed gudiga joogtada ah ka dalbaday in ay dhowraan xeer hoosaadka mooshinkana ay horgeeyaan Golaha shacabka.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in waqti loo baahanyahay in loo qabto mooshinka kaas oo xubnaha golaha lagu horgeeyo kulamada caadiga ah.

dhinaca Prof Jawaari ayaa soo hadal qaaday ciidamada lagu biiriyay ilaalada xarunta Golaha shacabka waxaana uu dalbaday in laga dulqaado oo lagu soo celiyo kuwi marki hore ilaalin jiray.

mar uu soo hadalqaaday xildhibaano shalay ugu baaqay inuu is casilo ayuu sheegay inuu ku yimid sharci islamarkaana uu ku baxayo oo kali ah wado sharci ah oo uusan iscasili doonin.