Uncategorized

Gudoomiye Shiikh Cismaan Barre oo ku wajahan Magaalada Jowhar

Jowhar-KNN-Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle Shiikh Cismaan Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle kadib Markii shalay Xildhibaano gaaraya 68 Xildhibaan ay Xilkii ka qaadeen Madaxweynaha Maamulkaasi Cali C/llaahi Cosoble.

Guddoomiyaha ayaa dhowana safar ku tagay dalka Kenya, hase ahaatee maalmo ka hor ayuu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Qaban qaabo lagu soo dhoweynayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa ka socda Jowhar, iyadoo marka uu tago lagu wado inuu ka hadlo arrinta xil ka qaadista.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamo la dhigay xarumaha maamulka.

Jowhar ayaa waxaa ka taagan Xiisad ka dhalatay Xil ka qaadista Madaxweynaha waxaana jira guux iyo kulamo kala gooni gooni ah oo ay yeelanayaan dhinacyada Maamulkaasi.