Muqdisho-KNN-Eng Cabdi Raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho oo maanta marka uu dhacay qaraxa kadib gaaray xarunta degmada Hodan ee la weeraray.
Sidoo kale gudoomiyaha gobalka banadir ayaa sheegay in Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa, kaasi oo lagu dhuftay albaabka hore ee xarunta degmada Hodan.
Gaariga qarxay ayaa waxaa la sheegay inuu xoog ku soo jiiray Barkontarool oo ka mid ah Meelaha laga ilaaliyo Xarunta degmada.
Todobaadkii hore ayay aheyd markii dagaalamayaasha Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Xarunta Maamulka degmada Howl-wadag ee Gobolkan Banaadir.