Uncategorized

Gudoomiyihii Kaamka Daryeel ee degmada kaxda oo la dhaawacay.

Muqdisho-KNN-Maxamuud shaafici Gaduudow oo ahaa Gudoomiyihii xerada barakacayaasha ee daryeel ayaa saakay lagu dhaawacay degmada kaxda ee Gobalka Banaadir.

Gudoomiyaha degmada Kaxda ee Gobalka Banaadir Maxamed Ismqacil C/llaahi ayaa KNN u xaqiijiyay dhaawaca Gudoomiyaha kaamka waxa uuna sheegay in dhaawaciisa uu salka Ku haayo muran kala dhaxeeyo xubno kale oo maamulka kaamka ka tirsan.

Ninka la dhawaacay ayaa la sheegay in isaga mas’uuliyiin kale Madax looga dhigay dhowr kaam oo ay Dowlada barakacayaal dejisay Maamulka gobalkana hoos yimaado Waxaana loo qoray mushaar sida dadka deegaanka noo sheegeen.