Uncategorized

Gudoonka Golaha Shacabka oo sheegay waqtiga la qabanayo kulanka Mooshinka ka dhanka ah Jawaari.

KNN-Muqdisho-Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee  Golaha Shacabka C/wali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa sheegay in Kalfadhiga 3-aad Kulankiisa 3-aad uu qabsoomi doono maalinta Sabtida ah ee ay taariikhdu ku beegantahay 31-Maarso.

Ajandaha kulanka ayuu sheegay Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee  Golaha Shacabka  C/wali Sheekh Ibraahim Muudey in uu yahay Mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

14 Bishaan ayaa Mooshin laga soo gudbiyay Gudoomiyha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Shikh Cismaan Jawaari waxana uu Aqbalay 16 bishaan waxana lagu waday Maalinta barito ah in loo fariisto kulanka looga hadlayo Mooshinka,lamana oga sababta keentay in dib loo dhigo.