Uncategorized

Guriga Wasiirka Madaxtooyada Soomaaliland oo Gabi ahaanba Gubtay.

Hargrysa-KNN-Guriga uu deganyahay wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ku gubtay magaalada Hargeysa.

Wariyaha Hargeysa ee Idaacadda Kulmiyr ayaa sheegaya in aanay cid ku dhiman islamarkaana aanu jirin dhaawac balse ay gubatay alaabtii guriga taalay oo dhami, dadka qaar ayaa sheegaya in alaabo iyo dukmentiyo ay ku jiraan alaabaha guriga ku gubtay.

Ciidamada Dabdamiska oo goor dambe soo gaaray guriga ayaa bakhtiiyay dabka.

Ciidamada Booliiska ayaa u diiday warbaahinta inay muuqaalo iyo sawiro ka qaataan guriga wasiirka ee gubtay.

Haayadaha dabdamiskaa ilaa iminka kama hadalin guriga wasiirkan ee maanta ku gubtay magaalada Hargeysa iyo cida ka dambeysa dabkaasi.