Somali News

Gurmadka kumaanan ruux oo biyo qaadeen oo ka socda dalka Filibiin

Manila-KNN-Ciidamada badda iyo kooxaha gurmadka dalka Filibiin ayaa ku hawlan samata bixinta kumanaan ruux oo uu qaaday daad ka dhashay roob mahiigaan ah oo ka da’ay dalkaas.

Mas’uuliyiinta dawlada ayaa sheegay in dhawr tuulo oo ku yaa;a waqooyiga dalka Filiniin ay biyo qaadeen waxaana dadka aad u saameeyeen daadad kusoo rogtay kadib markii uu da’ay roob duufaan wata.

Inta la xaqiijiyay 30 ruux ayaa ku geeriyooday kumanaan kalena waa ay go’doonsanyihiin sida ay dawlada Filibiin xaqiijisay.

Gobolada Tugawareeyo iyo Joorjiya ayaa ah halka ugu daran ee daadadku kusoo rogmadeen waxaana kooxaha gurmadku isku dayayaan inay dadka geeyaan meelaha dhulka sare ah.

In ka badan hal million oo qof ayay dawladu ka digaysaa inay saameyso dufaanta iyo roobka ka da’aya waqooyiga Filibiin.