Uncategorized

Gurmadkii lagu samatabixinayay Baadigoobka Dadkii lagu Waayay Qaraxii Zoobe oo la soo gaba gabeeyay

Muqdisho–KNN– Saraakiisha ku Howlan Gurmadka lagu samata-bixinayo Baadigoobka Dadkii lagu Xasuuqay Qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho  Raq iyo Ruux intaba ayaa sheegay in ay soo gaba gabeeyeen Howshii socotay Xoogeeda,waxaana qaar kamida Saraakiisha waday Howlgalka ay KNN u sheegeen in 99% ay soo Afjareen Baaritaankii ay wateen.

Baaritaanka oo galay Maalintii Afraad ayaa maanta illaa Shalay waxaa ka qeyb qaadanayay Eeyo si ay Dadka ku Howlan baaritaanka ay uga caawiyaan Baaritaankooda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed oo Goobta ku hadlay ayaa sheegay in Gurmadka lagu Samatabixinayo dadkii lagu Xasuuqay Zoobe uu weli socon doono islamarkaana loo baahan yahay in la labo jibaaro.