Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta waxaa uu kulan la qaatay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee shalay lagu doortay Magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe.
Madaxweynaha ayaa ugu horeyn u hambalyeeyey Xildhibaanada cusub ee la doortay, isagoo kula dardaarmay ka shaqeynta midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.
Xildhibaanada shalay lagu doortay magaalada Jowhar ayaa waxaa ka mid ah, Khadiijo Maxamed Diiriye, Yuusuf Kabaale, Dahabo Suusow Maxamuud, Maxamed Cumar Ceeymoy, Farxiyo Maxamuud Dhaqane iyo Maxamuud Maxamed Jimcaale.