Somali News

Guudlaawe oo shir gudoomiyay kulanka looga hadlayo amniga.

Muqdisho-KNN-Cali Guudlaawe Xuseen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle ayaa shir Gudoomiyay Kulan looga hadlayay Amniga Degaanada iyo Degmooyinka Maamulka Hirshabelle kaa oo ka dhacay Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Shirka amniga Waxaa kasoo qeybgalay Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Maamulka Gobolka Hiiraan, Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Taliyaasha Guutooyinka 4aad iyo 5aad qeybta 27aad ee CXD, Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada qeybta 27aad ee CXD, Taliyaha Ciidanka Booliiska Hirshabeelle, Taliska Qeybta Gobolka, Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Gobolka, Saraakiisha Ciidamada Gorgor iyo Haramcad ee Howlgalada u jooga Magaalada Beledweyne iyo Saraakiisha ciidamada Amisom

Saraakiisha ayaa Cali Guudlaawe Xuseen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle la wadaagay xaaladaha guud ee Amniga Gobolka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha ayaa faray saraakiisha Hay’addaha Amniga inay xoojiyaan amniga guud ee deegaanada Hirshabeelle gaar ahaan Magaalada  Beledweyne oo ay ka dhacayaan doorashooyin Golaha Shacabka.