Jigjiga–KNN– Wararkii ugu danbeeyay ee kasoo baxaya Magaalada Jigjiga ayaa waxa ay Sheegayaan in Xaaladdii Rabshadaha ahayd ay qaboowday , inkasta oo wali Magaalada ay ka taagantahay Xaalad aan wanaagsaneen.
Salaaddii Maqrib kadib Shir ay kasoo qeybgaleen dadweeyne aan tiro yareeyn iyo Qaar kamid Siyaasiyiinta iyo Madaxda dhaqanka Ogaadeeniya ayaa waxaa lagu qabtay Magaalada Diri dhaba.
Shirkan oo ay soo qabanqaabiyeen Koox lagu Magacaabo Dulmidiid oo si weyn uga soo horjeedda nidaamka Cabdi Maxamed Cumar ayaa waxa ay sheegeen in caawa wixii ka danbeeya uusan Hogaan usii noqon doonin Madaxweeyne Cumar.
Suldaan Foowsi nin lagu Magacaabo oo Shirkan ka hadlayay ayaa ku dhawaaqay in xilkii ay ka qaadeen Madaxweeyne Cabdi Maxamed Cumar, durbadiibana waxaa isqabsaday Mashraxarad Iyo Seeri loogu riyaaqayo hadalka uu ku dhawaaqay Suldaanka.
Hoolka warkan looga dhawaaqay ayaa waxaa qiyaastii fadhiyay dhoowr boqol oo qof waxaana ku Sharaxnaa hoowlka Calankii hore ee Dowlad deegaanka Iyo kan Itoobiya.
Warkan kasoo yeeray Kooxdan Caawa Diri Dhaba isugu tagay waxaa uu sii hurinayaa Xaaladda ka taagan Magaalada Jigjiga ee u eg dhamaadkii nidaamka Madaxweeyne Cabdi Maxamed Cumar.


