Uncategorized

Hadal jeedinta Musharaxiinta oo maanta la soo gaba gabeynaayo

Muqdisho-KNN-Maanta ayaa waxaa la soo gaba gabeynayaa hadal jeedinta musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha shacabka, taas oo sida ay sheegeen guddiga qaban qaabada doorashada ay dhici doonto 30ka bishaan Abriil.

Shan Musharax ayaa maanta lagu wadaa in ay jeediyaan khudbadahooda iyadoona 6 kale shalay ay jeediyeen.

Waxaan la soo gaba gabeynayaa hadal jeedinta musharaxiinta, kuwa hadalka maanta jeedinayana waxa ay kala yihiin.

1- Xildhibaan Shariif Sheekhunaa Maye

2- Xildhibaan Maxamed Sh. C/raxmaan Mursal

3- Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla

4- Xildhibaan Maxamud Macalin Yaxye

5-Xildhibaan Iimaan C/laahi Nuu