Somali News

Hadal jeedinta musharixiinta guddoonka Hirshabelle oo maanta bilaabanaysa

Qaar ka mid ah musharixiinta u taagan xilka guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa maanta lagu wadaa in ay khudbad u jeediyaan xilhibaanada cusub ee baarlamaanka maamulkaasi.

Qaban qaabada munaasabada hadal jeedinta ayaa haatan waxaa ay ka soconaysaa magaalada Jowhar ee gobolka shabeellada Dhexe.

Ilaa 6 Musharax ayaa u taagan qabashada xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle iyo labadiisa kuxigeen, kuwaas oo Magacyadooda ay kala yihiin.

1: Xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed & Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibrahim (Goodir) oo u tartamaya jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle.

2: Xildhibaan Saadaq Salaad Warsame iyo Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle oo u tartamaya Jagada Guddoomiyaha kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka 2aad Ee Dowlad Goboledka Hirshabeelle.

3: Xildhibaan Mahad Xassan Cusmaan iyo Xildhiban Marwo Canab Axmed Ciise oo u tartamaya Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka 2aad Ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Dhinaca kale, Doorashada khilaafka Siyaasadeed uu ka jiro  ayaa ah tan madaxweynaha oo wali heshiis muuuqda aan laga gaarin kaddib markii labada beelood ee Xawaadle iyo Abgaal isku maandhaafeen sida lagu wajahayo.