Kismaayo-KNN-Qaar ka mid ah Musharixiinta Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa maanta hadal jeedin doonto waxaa ay ka bilaabatay Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubbada Hoose.
Tirada Musharixiinta Maanta hadalka jeedin doono ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Axmed Madoobe, iyo sedex musharax oo ay ku jirto qof haweeney ah, waxaana Xarunta ku sugan inta badan Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Jubbaland.
Amaanka goobta ay ka socoto hadal jeedinta ayaa maanta aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka la dhigay ciidamo aad u fara badan, kuwaasi oo xaqiijinaya amniga goobta.
Musharax Canab Maxamed daahir oo hadal-jeedinta bilaawday ayaa goobta ka sheegtay inay diirada saari doonto hadii ay guuleysato dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo arimo kale.
Maxamed Geedi oo ah musharaxa labaad ee Madaxweynaha Jubbaland ayaa isna madasha ka sheegay inuu dib u soo celin doono xiriirka ka dhexeeya dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland, isagoona balan qaaday in arimaha bulshada uu wax badan ka qabtay.
Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo ah madaxweynaha hada talada ka sii dagaya ayaa waxaa uu sheegay in guulo waa weyn uu gaaray inta uu xilka hayay, islamarkaana waxaa uu tilmaamay in horumarka dhanka Arimaha bulshada wax badan laga qabtay.