Somali News

Hadal jeedinta Musharixiinta Madaxweynaha Puntland oo soo idlaatay.

Garoowe-KNN- Waxaa daqiiqo ka hor ayaa waxaa la soo gaba gabeeyay Dhageysiga Khudbadaha musharixiinta madaxweynaha Cusub ee Maamulka Puntland.

Illaa 21 musharax ayaa u tartami doonto xilka Madaxweynaha Putnland halka ay 11 kalana u tartamayaan xilka Madaxweyne ku xigeenka Puntland sida ay shaaciyeen Guddiga Doorashada Puntland.

Saalada duhur kadib ayaa waxaa bilaaban doono dhageysiga Khudbahadaha Musharixiiinta madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland.

Gelinkii dambe ee shalay ayaa la soo geba gebeeyey diwaangelinta musharixiinta,iyadoo xubnaha Guddiga dorashada Puntland aya shaaciyay musharixiinta isku diwangeliyay in ay tartamaan.

Doorashada Madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland ayaa loo qorsheeyay in ay dhacdo  8-da Bishan oo ku beegan beri oo Talaadada ah