Somali News

Hakad ku yimid Horyaalka Kubbada Cagta iyo Khilaaf taagan

Horyaalka Kubbada Cagta ee Soomaaliya ayaa hakad ku yimid, ka dib markii khilaaf uu soo kala dhexgalay Xiriirka Kubbada Cagta iyo qaar kamid ah Kooxaha ciyaara Horyaalka heerka koowaad ee dalka.

Kooxaha ayaa ka cabanaya Musuq maasuq ay ku eedeynayaan Xiriirka Kubbada Cagta ee Soomaaliya.

Guddoomiyeyaasha Kooxaha Raadsan iyo Midnimo, Cali Yuusuf Cali iyo Cabdiraxmaan Geelle Suleymaan ayaa sheegay in xiriirka uu sameeyay ku takri fal iyo musuq-maasuq, isla markaasna ay u dacwoodeen Xiriirka Kubbada Cagta Adduunka ee FIFA.

Hadalka eeda ah ee ka soo yeeray Madaxda Kooxa weli kama aysan jawaabin Mas’uuliyiinta Xiriirka Kubbadda Cagta.

Hakadka ku yimid Horyaalka Kubadda cagta Soomaaliya oo furmay 17 bishaan June ayaa ku soo aadaya xilli dhowaan xal laga gaaray khilaaf xooggan oo soo kala dhax galay madaxda xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.