Muqdisho-KNN-Kalfadhi ay lahaayeen xildhibaanada baarlamaanka gobolka Ondo ee dhaca Koonfur Galbeed dalka Nigeria ayaa la hakiyay kaddib markii saqafka dhismaha baarlamaanka uu kasoo dhacay Mas, sida ay ku warrameyso warbaahinta gudaha.
Maska ayaa kusoo dhacay goobtii ay xildhibaanada ay fadhigga ku lahaayeen, waxaa uu horseeday in la joojiyo howlihii baarlamaanka, waxaa goobta ka cararay xildhibaanada qaar markii ay arkeen Maska.
Wargeyska Premium Time ayaa ku warrmaya in Maska uusna wax dhibaata ah geysan balse markii la dilay.
Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka ayaa sheegay in Maska uu carqaladeeyay kalfadhigii ay lahaayeen baarlamaanka, waxaa ay qasabtay in dib loo dhigo kulanka.
Waxaa maanta la qorsheeyay in sun lagu buufiyo dhismaha baarlamaanka xilli xildhibaanada ay ka maqan yihiin halkaas.