Somali News

Hakad ku yimid Shaqadii Garoonka Aadan Cadde kadib rasaas ku dhacday

Rasaas ku dhacday garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa sababtay in maanta uu dab ka kaco garoonka diyaaradaha ee aadan cadde, kaas oo ugu dambeyn sababay in la joojiyo dhamaan shaqadii garoonka.

Goob joogayaal ayaa Idaacada Kulmiye u sheegay in rasaas badan oo ku soo dhacday gudaha garoonka ay sababtay in uu dab ka kaco xarunta Bank si gaar ah loo leeyahay oo ku yaala gudaha garoonka halka wararka qaarna ay sheegayaan in Saldhigga Booliska meel u dhow uu ka kacay dabka, iyadoo kadib la joojiyay dhamaan shaqadii garoonka, halka shaqaalaha qaarna la fasaxay.

Xaaladda Muqdisho ayaa ah mid qasan, waxaana dowladdu ciidamo badan gaysay dhammaan wadooyinka iyo isgoysada muhiimka ah, si ay u joojiyaan bannaaanbaxyada ay ku baaqeen Midowga Murashixiinta