Sports

Halyeeyga reer Brazil Rivaldo ayaa kula taliyay Neymar inuu ka tago Paris Saint-Germain.

Muqdisho-KNN-Halyeeyga reer Brazil Rivaldo ayaa soo jeediyay in weeraryahanka Paris Saint-Germain iyo qaranka Barazil Neymar uu fursad u heysto inuu u ciyaaro Real Madrid si mustaqbalkiisa uu sare ugu sii qaado.

Xagaagii hore, Neymar ayaa ka tagay Barcelona si uu ugu biiro kooxda PSG lacag rikoorka adduunka ah oo ciyaaryahan lagu iibsado, lakiin Rivaldo ayaa ku adkeysanaya in weeraryahanku uusan dooneynin waqti dheer oo uu kusii ciyaaro garoonka Parc Des Princes.

Neymar ayaa aaminsan in uu noqonayo ciyaaryahanka ugu fiican kubada cagta adduunka ka daib ciyaaryahanda Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo, Rivaldo ayaa sheegay in aan lagu guuleysan doonin taas inta uu u ciyaarayo kooxda reer France.

46 jirkaan ayaa u sheegay GloboEsporte: “Xitaa waxaan u sheegay Neymar inuu noqon karo kan ugu fiican adduunka, laakiin waxaan aaminsanahay hadii uu joogayo PSG, ma dhici doonto taas, waa inuu ka tagaa PSG.

Neymar ayaa dhaliyay 28 gool 29 kulan oo uu saftay intii lagu jiray xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horeysay ee caasimada France iyo kkoxdiisa PSG.

Qalinkii:Aadam Aqyaar