Sports

Halyeeygii hoygiisa ayuu kusoo laabtay, Ancelotti ayaa loo magacaabay macalinka kooxda Napoli

Muqdisho-KNN-Kooxda Napoli ayaa macalin Carlo Ancelotti u magacawday tababarahooda cusub kaas oo ay lagaartay seddex sanno oo heshiis ah, isagoo bedelayamacalinkoodii Maurizio Sarri.

Macalin Sarri ayaa la xaqiijiyay ka dib markii madaxweynaha kooxda Napoli Aurelio De Laurentiis uu sheegay in waqtigaan uu u dhamaaday in uu sii ahaado tababaraha kooxda, iyadoo lala xiriirinayo kooxda Chelsea.

Napoli ayaa heshay 91 dhibcood xagaagan, lakiin waxa ay seegeen horyaalka Serie A, iyada ka danbaysa kooxda Juventuus8 kuwaasoo ku guuleystay Scudetti todobaad oo isku xigta.

Ancelotti ayaa laga doonayaa inuu soo afjaro awooda Juve ee Talyaaniga, Massimiliano Allegri ayaa hogaanka u dhiibay Bianconeri afar jeer oo isku xigtana kula dabaaldagay Horyaalka Serie A.

Tababarihii hore ee Real Madrid iyo Paris Saint-Germain ayaa shaqo ka maqnaa tan iyo markii laga cayroyay kooxda Bayern Munich bishii September.

58 jirkaan ayaa xirfadiisa tababarenimo ka bilaabay Reggiana ka hor inta uusan u dhaqaaqin Parma, Juventus iyo AC Milan. Shaqadiisa koowaad ee ka baxsan Talyaaniga waxa ay ahayd Chelsea, laakiin ka dib wuxuu u dhaqaaqay Paris Saint-Germain, Real Madrid iyo Bayern ka hor inta uusan ku laaban haatan wadankiisa.

Waa mid ka mid ah raga ugu wanaagsan inay ku guuleystaan ​​Champions League labadaba ciyaaryahan ahaan iyo tababare ahaanba, labo jeer ayuu kula guulaystay AC Milan, iyo hal mar oo uu la qaaday Real Madrid.

Ancelotti ayaa ku riyaaqay guulaha Talyaaniga, gaar ahaan kooxda ka dhisan San Siro, halkaas oo uu ku guuleystay Serie A xilli ciyaareedkii 2003-04 -kooxda Scudetto oo uu macalin u ahaa.

Dhanka kale, Sarri ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo kooxdii Ancelotti uu hore usoo maamulay ee Chelsea, halkaasoo lagayaabo inuu badalo Antonio Conte, oo u muuqda inuu ka tagayo Stamford Bridge inkastoo uu ku guuleystay FA Cup.

Qalinkii Aadam Aqyaar