Somali News

Handise sharciyeedka Gudiga La dagaalanka Musuqmaasuqa oo la meelmariyay.

Muqdisho-KNN- Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya  ayaa maanta meelmariyay  Dhismaha Gudiga la Dagaalanka Musuq maasuqa oo ay horey u soo ansixiyeen Golaha Shacabka.

Kulanka ayaa maanta waxaa soo xaadiray 31 senator oo jka tirsan Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, iyadoona uu shir gudoominayay gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Gudoomiyaha Guddiga Garsoorka, Arimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka Iyo Caruurta, Zamzam Ibraahim Cali ayaa ka hor aqrisay sanatarada Golaha Aqalka Sare, iyadoo dul istaagtay talooyinkii lagu daray akhrinta koowaad iyo akhrinta labaad.

Sidoo kale Kulanka ayaa waxaa ku sugnaa  wasiirka wasaarada cadaalada, Abuukate Xassan Xuseen Xaaji.