Somali News

Hanti Dhowraha Qaranka oo Canshuur qaadistii ka joojiyay Dowladda Hoose ee Xamar

Muqdisho-KNN-Wareegto ka soobaxday xaafiiska Hanti dhowraha guud ee Qaranka ayaa si kumeel gaar ah loogu joojiyay Canshuur qaadista Dowladda Hoose ee Xamar.

Qoraal kasoo baxay Xaafiiska Hanti dhowraha guud, ayaa lagu yiri

“Waxaa dhamaan waaxyaha Canshuuraha Dowldda Hoose ee Muqdisho lagu war galinayaa in uu socdo baarista dastuurigaa ee sanadlaha ee sameynayey xaafiiska hanta dhowrka guud ee Qaranka.Hadaba xaafiiska hanta dhowrka guud ee Qaranka waxuu idin farayaa arimo la xiriira baaristaan awgeed laga bilaabo taariikhda warqadaan ku xusan in si kumeel gaar ah loo joojiyay dhmaanCanshuur qaadista Dowladda hoose ee muqdisho.Sidaas darteed waxaan idinka rajeynayaa wadashaqeyn hufan si loo hurumariyo daahfurnaanta isla xisaabtanka Dowlad wanaagga iyo sareynta sharciga”.

Halkaan ka Akhriso:-