Somali News

Hanti dhowrka oo baaritaan ku sameeyay Kiiska Markab ku xayirmay Cumaan

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa ku wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud macluumaadka baaris uu ku sameeyay kiis la xiriiray markab dhuxul sida oo lagu xannibay Saldanada Cumaan.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Hanti-dhowrka Qaranka ayaa lagu sheegay in uu waxyaabo badan lagu oggaaday Baaritaanka, isla markaasna ay sidoo kale la wadaageen Dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaana wasiirka arrimaha dibadda uga joojiyay shaqadiisa, ka dib markii lagu eedeeyay in uu fasaxay Markabka Dhuxusha siday ee ku xannibmay dalka Cumaan.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka.