Somali News

Hantidhawrka Guud oo ka horyimid Sharci ay Golaha Wasiirada meelmariyeen

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa ku wargaliyay Ra’iisul Wasaaraha XFS joojinta Xeer-nidaamiyaha Sharciga Maareynta Maaliyadda oo ay Golaha Wasiirradu ansixiyeen Khamiistii (11.05.2022)

Xeer-nidaamiyaha la ansixiyay ayaa waxaa ku jira khaladaad sharci iyo Qodobbo kasoo horjeeda Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud (PFM Act 2019) iyo Sharciga Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka, kuwaasi oo wiiqaya hannaanka loo maamulo islamarkaana loo korjoogteeyo hantida Ummadda.

Sidaas si la mid, Xafiiska ayaa 11kii Nofeembar 2021 joojiyay dhaqangalinta Xeerkan oo aan markii horeba marin habraacyadii saxda ahaa (Eeg lifaaqa 2aad).