Somali News

Hargeysa: Maxkamadd diiday qaasidta dacwad loo heysto Xildhibaan Dhakool

Hargeysa-KNN-Maxkamadda magaalada Hargeysa waxaa isgoo silsiladeysan maanta la horgeeyay Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool.

Hayeeshee Guddoomiyaha Maxkamadda Cabdi Qawdhan, ayaa diiday in uu furo gal dacwadeedka eedeymaha loo haysto xildhibaanka, isagoo sheegay in uusan awood u laheyn maxkamadeynta Xildhibaan xasaanad leh.

Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool ayaa isagoo gacmaha ka silsiladeysan dib loogu caliyay xarunta danbi baarista Ciidamada Booliska Soomaaliland ee CID-da oo kutaala magaalada Hargeysa.

Xildhibaan Maxamed Dhakool ayaa ka tirsan Golaha Waliilada Soomaaliland ee laga soo doortay gobolka Sool, waxaana loo heystaa in xuska maalinta 18ka May uu ku tilmaamay maalin ugaar ah Jamhadii SNM, taasi oo sababtay in Ciidamada Booliiska Soomaaliland ay xabsiga dhigaan Xildhibaanka Dhakool.