Sports

Harry Redknapp: “Waxaan rajeynayaa Gareth Bale inuu kusoo laabto Tottenham Hotspur”

Muqdisho-KNN-Harry Redknapp ayaa soo jeediyay in Gareth Bale uu awoodi karo inuu dib usoo noolaado hadii uu ku laabanayo kooxda ka dhisan Waqooyiga London ee Tottenham Hotspur.

Bale ayaa ka tagay Spurs si uu ula midoobo Real Madrid, inkastoo xiddiga reer Wales uu ku riyaaqay xilli ciyaareedyo guulo ah oo uu ka gaaray Bernabeu, haatan wuxuu ka mid  yahay ciyaartooyda Zinedine Zidane.

Manchester United ayaa si joogta ah loola xiriirinayay Bale, laakiin tababarihii hore ee Spurs Redknapp ayaa jeclaan lahaa inuu arko weeraryahanka inuu xilli ciyaareed kale ku qaato kooxdiisii ​​hore.

Redknapp ayaa u sheegay talkSPORT: “Gareth waxa uu noqon lahaa saxiix weyn oo Tottenham ah, waa ciyaaryahan cajiib ah, wuxuu ciyaari karaa boosas badan wuxuuna u ciyaari karaa qaabab badan, waana ciyaaryahan tayo fiican leh”.

“Hadii uu ku laabto Premier League wuxuu kaliya tagi lahaa lixda koox ee ugu sareeya midkood, lakiin waxa uu ku fiicnaan lahaa inuu arko inuu ku laabanayo Spurs.”

Intii u dhaxeysay 2007 iyo 2013, Bale wuxuu dhaliyay 57 gool 204 kulan oo uu u saftay tottenham tartamada oo dhan.

Qalinkii:Aadam Aqyaar