Somali News

Haweenay lagu dilay gudaha Suuqa Bakaaraha

Muqdisho-KNN-Koox hubaysan ayaa saakay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho waxa ay ku dishay haweenay waayeel aheyd oo caan ka aheyd suuqa, taas oo la sheegay in ay shaah ku iibi  jirtay gudaha suuqa.

Goobjoogayaal ayaa KNN u xaqiijiyay in haweenaydaas oo lagu magacaabi jiray Xadiyo lagu dilay bartamaha jidka weyn ee Carwo-iidka, iyadoo goor dambe halkaas laga qaaday maydkeeda.  

Dableydii dilka u gaysatay haweeneydaas ayaa goobta iskaga baxsatay, waxaana daqiiqado kadib gaaray goobtii uu dilku ka dhacay ciidamo ka tirsan booliiska Soomaaliya, kuwaas oo lasoo sheegayo in ay halkaas ka wadaan baaritaano lagu baacsanayo kooxdii ka dambeysay dilkaas.