Somali News

Haweenay maanta lagu dilay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Sida ay sheegayaan wararka Mid ka mid ah ilaalada Hotelka Shamow ayaa maanta waxaa uu haweenay ku dilay Magaalada Muqdisho.

Haweenayda la dilay ayaa waxaa ay  ka mid aheyd dadka danta yar ee ka shaqeysta Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay  in mid ka mid ah ilaalada Hotelka Shaamow uu rasaas ku furay  Haweeneydaas oo ka mid ahayd dad saaka lacag ka qaadanayay nawaaxiga hotelka.

Hay’adda WFP ayaa la sheegay in dadka danta yar ay maanta lacagta u qeybinaysay, waxaana lacagtaasi loo qeybinayay ku dhawaad 1500 qof oo ka mid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba, iyadoona haweenaydaasi ay ka mid aheyd dadka  lacagta la siinayay.

Askariga dilka geystay ayaa waxaa la tilmaamay inuu goobta ka baxsaday, iyadoona intaasi kadib ay dadka lacagta loo qeybinayay ay goobta banaanbax ka dhigeen.