Somali News

Haweenay Saygeeda ku dishay magaalada Afgooye

Wararka aan ka helayno magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in haweenay ay saygeeda ku dishay magaaladaasi.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Salaan Maxamed Macalin, kaas oo ka shaqaynayay dawladda hoose ee Afgooye, waxana uu u geeriyooday xabad ay ku dhufatay afadiisa,kadib markii ay murmeen.

Haweenayda oo saygeeda ay dishay u dhashay Sagaal carruur ah, ayaa waxa ay dilka u adeegsatay bastooladiisa mar ay isku af fahmi waayeen murankii uu dhexeeyay.

Dhacdooyinka noocan oo kale ah ayaa inta badan waxa ay ku yar yihiin gudaha Soomaaliya, iyadoo dadka deegaankuna ay la yaaban yihiin dhacdadan naxdinta leh ee maanta dhacday.