Somali News

Haweeney dooneysay inay is qarxiso oo lagu qabtay dalka Filibiin

Manila-KNN-Militaryga dalka Filibiin ayaa sheegay inay qabteen haweeney doonaysay inay isku isku qarxiso bar ay degenyihiin ciidamada dalkaas oo ku taalla magaalo dhacda koonfurta dalka Filibiin.

War kasoo baxay wasaaradda gaashaandhiga dalka Filibiin ayaa lagu sheegay in haweeneyda la qabtay oo la yiraahdo Reski Fantasyaa inay ka tirsantahay ururka hubeysan ee Abu Sayaaf.

Warkaan waxaa lagu sheegay in laba gabdhood oo ay dhashay ay horaantii sanadkaan  isku qarxiyeen  goob ay dad badan ku sugnaayeen kuwaas oo galaaftay nolosha 21-ruux seygeediina waxaa lagu dilay howlgal gaar ahaa oo ciidamada dalka Filibiin ka geysteen jasiiradda Suuluu la yiraahdo.

Hadda waxaa lagu hayaan goob gaar ah, waxaana la kala fur-furay qalabkii ku xirnaa oo ay doonaysay inay isku qarxiso.