Uncategorized

DHAGEYSO:-Haweeney Maseersan oo gubtay gurigii ay daganeed oo ku yaala Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Haweyney hinaaso hayay ayaa dab qabadsiisay guri ay daganeed oo ku yaala dhabarka danbe ee xarunta shirkada Cocacola ee Dagmada Yaaqshiid Gobolka Banaadir.

Aabaha dhalay wiilka qabay Haweeneydaas ee guriga gubtay ayaa  lahadlay KNN wuxuuna sheegay in wiilka iyo gabarta ay isku dhaceen xalay isla markaana ay dalbatay in al furo laakiin labada dhinac ee qoyska ay ku taliyeen in gurigaas aan la bur burin.

Sidoo kala Aabahaan ayaa sheegay inay saaki ay gubtay haweeneydaasi gurigii ay daganeed oo ku yaala Degmada Yaaqshiid, wuxuu sheegay in ay gubteen sedax qol oo gurigaas ka mid ah laguna guuleysay in ladamiyo dabkaas.

Halkaan ka dhageyso Wareysigaan oo dhameystiran.