Somali News

Haweeney Nin iska dhigi jirtay oo lagu qabtay Gaalkacyo

Gaalkacyo-KNN-Taliska Booliiska Maamulka Galmudug ayaa magaalada Gaalkacyo kusoo bandhigay Haweeney isku soo ekaysan Nin oo la sheegay in ay hubeysneed, waxuuna sheegay Talisku in sidii raga ay ula macaamili jirtay dadka oo ay xaasas laheyd.

Maxamed Nuur Cali “Gadaar Taliyaha Booliska Gobolka Mudug ayaa sheegay in mudo ay baadi goobayeen kadib ay gacanta kusoo dhigeen Haweeneydaas oo magaceeda rasmiga ah lagu sheegay Deeqo Cabdullahi Aadan.

Taliyaha ayaa sheegay in ay ku qaraaba jirtay magaca Deeq oo ay iska dhigi jirtay ruux rag ah, balse ay hey’adaha amaanku ka war heleen in ay tahay dumar, sidoo kale Bistoolad ayaa lagu soo qabtay haweeneydaas waxeyna sheegtay in ay ku ilaasha jirtay goob ganacsi oo ay ku leheed Koonfurta magaalada Gaalkacyo.