Uncategorized

Haweeney u dhalatay Dalka Jabuuti oo lagu jirdilay Itoobiya+SAWIRO

Djibouti-KNN-Wararka naga soo gaarayo Dalka Jabuuti ayaa sheegaya in Koox ka tirsan Qowmiyadda Oromiya ee Dalka Itoobiya ay jirdil culus u geestayn Haweeney jabuutiyaan ah oo ku safreysay Dalka Itoobiya.

Haweeneyda dhibka soo gaaray ayaa lagu magacaabaa Caasho Ciise waxaana la sheegay in ay jirdil u geesteyn Ciidamo Boolis ah oo ka tirsan Qowmiyadda Oromiya ee Dalka Itoobiya iyo sidoo kale dad shacab ah oo Oromo u dhashay.

Lama oga sababta ka dambeysa weerarka lagu qaaday Caasho waxa ayna sheegtay in ay wadatay Baasaboorka Jabuuti lana hadashay Ciidamada Oromiya balse ay ka diideyn.

“ Waxaa I qabtay Ciidan Boolis ah oo ka tirsan Itoobiya kana soo jeeda Qowmiyadda Oromiya su’aalo kadib waxan u sheegay in aan ahay Muwaadin Jabuutiyan ah waana tusiyay Sharciyadeyda mana igu tixgilin Sharcigeyga” ayay warbaahinta u sheegtay Caasho Ciise oo ah Muwaadin Jabuutiyaan ah.

Sidoo kale Haweeneydaan ayaa sheegtay in sidoo kale ay jirdil u geesteyn Shacab ka soo jeeda Qowmiyadda Oromiya ee Dalka Itoobiya, dhaawacyo badan ayaa ka soo gaaray dhinaca wijiga iyo Gacmaha sida ka muuqata Sawiro laga soo qaaday.

Arintaan ayaa la aaminsan in ay sal ku heyso Xiisada u dhaxeysa Qomiyadda Oromiya Itoobiya iyo Dadka Soomaalida eek u nool Gudaha Itoobiya.