Somali News

Haweeneydii ugu horreysay oo xil ka qabatay Sacuudi Carabiya.

Muqdisho-KNN-Haweeneey ayaa loo magacaabay Jagadda ugu sareeysa ee Bangiga Sacuudi Carabiya markii u horeeysay ee hawaanka  Wadanku xil ku dhiiradaan.

Haweeneeyda Ganacsatada ah ee Lubna Al Olayan ayaa gudoomin doonta Bangi Cusub oo ay wada sameeysteen Sucuudiga iyo Britain.

Tilaabadaan waxaa ay imaneeysaa iyadoo Dowladda Sacuudigu ay Haweenka u ogolaaneeyso xoriyaddo markii hore ka xadidinaa.

Markii ugu horeysay Bishii Jun ayaa Haweenka Sacuudiga waxa loo ogolaaday in ay gaari wadi karaan kadib markii mamnuucistii gaari wadista ka saarneeyd la badalay.

Haweeneeyda jagada sare ka qabatay Sacuudiga ayaa waxaa aad u bogaadiyay Haweenka Dalka jooga, waxayna fulin u tahay balanqaad uu sameeyay dhaxal sugaha Sucuudiga oo ku aadanaa in uu Dalkiisa ka abuurayo fur-furnaan.