Somali News

Haweenka Sacuudiga oo markii ugu horeysay maanta loo fasaxay inay ka xeeyaan Gawaarida

Muqdisho-KNN-Xalay Saqdii dhexe waqtiga Maxaliga ah ee Sucuudiga waxaa xayiraaddii dhanka gaari wadista aheyd ee Saareed laga qaaday haweenka Sucuudiyaanka ah.

Dowladda ayaa horay ubalan qaaday in xiyiraadda saaran haweenka ee udiideeysa In ay iskood Baabuurta u ka xeeyaan ay ka qaadeeyso.

Tan Iyo Intii uu Maamulka Sucuudiga uu kusoo biiray Maxamed Bin Salmaan oo Aabihii Boqor Salmaan Bin Cabdil Casiis Aala-Sucuud uu umagacaabay Dhaxal Suagah Boqortooyada Iyo Wasiirka Gashaandhigga ayaa waxaa jiray isbadallo xoogan oo ku aadan dhinacyada Siyaasadd, dhaqanka Iyo Diinta.

Kacdoonka Isbedel doonka ah ee uu hogaaminayo Amiir Maxamed Bin Salmaan ayaa horay wacad ugu maray in ay wax badan ka badali nimaadka adeegga ku saleeysan ee Sucuudiga ka jira Xilligan.