Somali News

Hay’ad u dooda xuquuqda carruurta oo war soo saartay

Warbixin ay soo saartay hey’adda Save the children ayaa lagu sheegay in Tirokoobyo cusub oo maanta la in ilaa 2.7 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya ay wajahayaan cunno yari ba’an, kuwaasi oo ay kamid yihiin ku dhowaad 839,000 carruur ka yar shan sano oo ay u badan tahay inay nafaqo darro ba’an hayso.

Hey’addan oo ka shaqeysa badbaadada carruurta ayaa waxaa ay warbixinteeda ku sheegtay in ay ka walaacsan xaaladda bani’aadamnimo ee sii xumaaneysa ee carruurta ku nool Soomaaliya, iyadoo ku sababaysay Axyaha laayaanka ee dalka ku soo batay, dhibaatooyinka amni ee dalka ka jira iyo xanuunka coronavirus ee weli saameyntiisu jirto.

Sidoo kale hey’adda ayaa digeysa in haddii aan dhaqso dhaqaalo loogu dirin barnaamijyada bani’aadamnimada, in kumanaan nolosha carruurta ah ay halis geli doonto. 

Madaxa hay’adda Save the Children,Mohamud Mohamed Hassan, ayaa bayaanka ay hay’addu soo saartay ku sheegay in ”  bulshada caalamka in si deg deg ah loo sii daayo lacagaha si looga hortago dhibaato bina-aadamnimo”