Muqdisho-KNN-Maamulka Hay’adda Aamin Ambulance ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen in ay joojiyeen shaqii ay magaalada Muqdisho ay ka hayeen.
Maamulka ayaa waxaa ay sheegeen in saraakiisha ciidanka booliska dowladda soomaliya ay ku wargaliyeen in aysan tagi karin goobaha ay kadhacaan qaraxyada, xitaa loo sheegay in aysan qaadi Karin dadka ku waxyeelooba.
Dr Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Aadan oo ah Madaxa Aamiin Amblace oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa waxaa uu sheegay in shaqadii ay u hayeen bulshada soomaaliyeed ay joojiyeen, taasina ay timid kadib markii uu amar uga yimid saraakiisha booliska dowladda soomaaliya
Dhanka Kale Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye guute Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay inaysan jirin Shaqa joojin lagu sameeyey Gaadiidka gurmadka deg dega ee Aamin Ambulance,isla markaana ay Booliska wadashaqeyn la yeelan doonaan.
“Booliiska Soomaaliyeed wuxuu caddeynayaa in aysan jirin xayiraad la saaray hay’adda gaarka loo leeyahay ee Aamin Ambulance,Hay’adda Booliiska iyo Gobolka Banaadir waxay yeesheen kulan lagu lafa gurayo sidii wada shaqeyn dhaw loo yeelan lahaa, waana sii wadi doonnaa dadaallada lagu mideynaayo hawlaha gurmadka.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa Baraha Bulshada iyo Wabsite-yada qaarkood lagu faafinayey in Dowladda Soomaaliya ay ku amartay Shaqaalaha Hay’adda Gurmadka deg dega ah ee Aamin Ambulance inay Shaqada joojiyaan,hayeeshee waxaa warkaasi beeniyey taliska Ciidanka booliska Soomaaliyeed.