Muqdisho-KNN-Waxaa soo badanaya cambaareynta iyo hadalada ay jeedinayan Bulshada Qeybaheeda kala duwan, Taasi oo ku saabsan dil argagax leh oo dhawaan loo geystay degmada yaaqshiid marxuum Axmed Mukhaar Saakax (Dowlo)
Xubno ka socda Hay’ada Culimada Soomaaliyeed ayaa booqday qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Marxuum Axmed dowlo.
Masuuliyiintaasi ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiyaha hay’ada Culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Waxaa uuna marka hore ehelka ugu tacsiyeeyay falka loo geystay Axmed Dowlo.
Sheekh Bashiir ayaa waxaa uu sheegay in isaga oo ku hadlaya Magaca Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ay aad uga xun yihiin falkii lagu dilay Marxuum Axmed Dowlo, Waxaa uuna Tilmaamay in ay tahay mid aad looga xumaado.
Sidoo kale Sheekh Bashiir ayaa waxaa uu ku baaqay in cadaalada la marsiiyo dadka dilay Axmed Mukhtaar.
Dhawaan ayay aheyd markii Kooxo isugu jira Haween iyo Rag oo ah Ehelka Gabadha ay ku weerareen Marxuum Axmed Dowlo Baangado iyo Warano,iyaga oo ugu tegay Garaash uu ku lahaa Xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid kadibna ay baangado la dhaceen,dhaawac culus oo soo gaarey kadib ay gubeen.
Waa falkii ugu horeeyay ee ka dhaca Muqdisho.