Uncategorized

Hay’ada HRW oo kenya ku eedeysay inay Kufsadeen Haween badan.

War qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in inti lagu guda jiray doorashadi madaxtinimo ee Kenya ka dhacday sanadkan, ay ciidanka boolisku kufsadeen tiro haween ah islamarkaana jirdil u geysteen dad rayid ah.

Warbixin cusub oo soo saartay Hay’addan, ayay ku sheegtay inay dhaceen xad gudubyo baahsan oo dhinaca galmada ah oo loo geystay Dumar, Waxaa kale oo ay ku eedeeysay ciidanka booliska, in ay awood xad-dhaaf ah u adeegsadeen dad mudaaharaadaayay.

Jirdil, dhac iyo dil ayaa ka mid ahaa danbiyada ay Human Rights Watch ku eedeysay ciidamada Booliska Kenya.