Somali News

Puntland iyo soomaaliland oo markale looga digay in dagaal uu ku dhexmaro Gobalka Sool

Muqdisho-KNN-Hay’adda ka faalloota Xasaradaha Caalamka ee ICG ayaa qortay warbixin ay kaga hadlayso cabsi laga qabo dagaal dhex mari kara Somaliland iyo Puntland. Warbixinta ayaa qortay in labada dhinacba ay ciidan badan ku soo daabulayaan meel u dhow dhulka lagu dagaalamayo ee Tukaraq, iyaga oo albaabkana ka xirtay waan-waan ay Qaramada Midoobay wadday.

Sidoo kale Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in madaxda maamulada Puntland iyo Somaaliland ay hadalo kulul ay warbaahinta isku marsiinayaan,taasi oo sababi karta in dagaal hor leh uu dhexmaro ciidamada kala taabacsan soomaaliland iyo puntland eek u sugan Degaanka Tukeraq ee gobalka Sool.

Warbixinta ay soo saartay hay’ada oo aad u dheeraa ayaa sidoo kale madax midowga Afrika,Urur Galbeedka IGAD , QM, Itoobiya, Imaaraadka Carabta ayaa waxaa ay hayda ICG ugu baaqday in ay si deg deg ah u joojiyaan colaada ka taagan gobalka Sool.

Qoraalka ay hay’ada Xasarada daabacday ayaa waxaa kale oo lagu sheegay in madaxweynaha Soomaliya uu dhowr ku baaqay in la damiyo colaada u dhexeeysa Soomaaliland iyo Puntland.

Gobalka Sool ayaa waxaa xiligan ku dagaalamaya ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Soomaaliland,iyadoona Dhibaatooyinka ugu badan uu soo gaaro dadka Shacabka ah ee ku nool Magaalada Laasa caanood ee gobalada sool iyo Sanaag.