Uncategorized

Amnesty International”Ciidamada Dowladda Burma dagaal isir sifeyn Muslimiinta ah ayay ka wadaan Dalkaasi”

Muqdisho-KNN-Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Amnesty International ayaa sheegtay in ay heyo Cadeymo muujineyo In Ciidamada Dowladda Burna ay Howlgal isir sifeyn ah ka wadaan goobaha ay dagan yihiin Muslimiinta Rohingya ee dalkaasi Burma.

Hay’adda ayaa ku boorisay dowladdu Burma inay furto gobolka Rakhine si ay u gaaraan hay’addaha gargaarka iyo kooxaha xuquuqul insaanka qaabilsan.

Amnesty International ayaa sheegtay inay diiwaangalisay sawiro lagu qaaday dayax gacameedka oo muujinaya dab ballaaran oo u muuqda inuu yahay ol-ole cad oo isir sifeyn ah.

Qof goobjoog ah oo hadda ku jira xero qaxooti iyo muuqaalo lagu qaaday mobil-ke gacanta iyo hadalada ay sheegayaan dadka wali ku sugan Myanmar ayaa muujiyay arrintaan.

Waxa ay Amnesty xaqiijisay in ciidammada dowladda Burma iyo kooxa iskood isku abaabulay ay u adeegsadeen gaas iyo hub gubitaanka tuulooyinka muslimiinta Rohingya iyo leynta dilka dadkaasi deegaanka aha guud ahaan.

Ciidammada ayaa sheegay in ol-olahooda uu ku dhan yahay maleeshiyaadka Rohingya kadib weeraro is xigxigay ay kusoo qaadeen maleeshiyaadkaasi, balse aysan u dan lahayn shacabka.

XIGASHO BBC.