Somali News

Hay’adda Caafimaadka Dunida oo sheegtay in mudo labo sano ah looga hortagi karo Covid-19

Hay’adda Caafimaadka Dunida ee (WHO) ayaa sheegtay in ay rajo ka qabto in saf-marka Karona looga hor tagi karo mudo labo sano ah.

Mar uu ka hadlayay magaalada Geneva Jimcihii gudoomiyaha hay’addani Mr Tedros ayuu sheegay in hergabkii Spanishka ee 1918’kii sidoo kale uu qaatay labo sano.

Gudoomiyaha hay’adda ayaa intaas ku daray in horumarka ay sameeyay tiknoolajiyada ay door muhiim ah ka qaadan karto ladagaalanka Fayraska-Karona

Dadka haatan uu xanuunkan ku dhacday ayaa guud ahaan caalamka ku dhaw 23 milyan oo ruux halka 800,000 oo ruux in ku dhawna ay ku dhinteen.