Uncategorized

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo ka digay Bandhig faneed lagu qabanayo Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa maanta digniin ka soo saaray Bandhig Faneedyo lagu wado in dhawaan lagu qabto magaalada Muqdisho waxayna fariin u direen Shacabka Muqdisho.

Shiikh Bashiir Axmed Salaad Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka digay Bandhig faneed 20-ka Bishaan ka dhacaya Muqdisho kaas oo ay qaban doonto Fanaanadda Kiin Jaamac oo shalay ka soo degtay Garoonka Aadan Cadde.

Sidoo kale Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa masuuliyiin ka tirsan Dowladda ku dhaliilay in muqdisho ku soo dhaweeyeen kiin Jaamac Muqdisho si ay u qabato Bandhig faneed waxa uuna ku tilmaamay dambi iyo khalad weyn oo shacabka loo hor kacayo.

Waxaa uu sheegay in ay dowladda Soomaaliya ay ugu baaqayaan in wax laga qabto joojinta Bandhigaasi, waxaana uu ugu baaqay dhalinyarada in aysan ka qeyb galin.