Uncategorized

Hay’adda Culumada Soomaaliyeed oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka Tukeraq ee Gobalka Sool.

Muqdisho-KNN-Qoraal ay soo saartay  Hay’adda Culumada Soomaaliyeed ayaa waxay shacabka Soomaaliyeed  ugu Hambalyeeyeen bilashada bisha Ramadaan oo Umadda Muslimiinta ah Bil Cibaado kana duwan Bilaha Kale.

Culumada ayaa Shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday iney Iscafiyaan islamarkaana ay is Caawiyaan, sidoo kale waxay ka digeen in xad gudubyo geystaan Bishaan iyo ka horba iyo Kadibba.

Waxay sheegtay Hay’addu in Bisha Ramadaan ay tahay bishii sabarka iyo naxariista, waxaana ay ku baaqayday in si deg deg ah loo joojiyo colaadda Tukeraq, ilaahayna looga baqo dhiigga xaq darrada ah ee qubanaya.