Somali News

Hay’adda Duulista oo ka hadashay diyaarad ka timid Itoobiya oo laga celiyay hawada Soomaaliya

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa siisay “reject”codsi ay wadatay diyaar laga leeyahay dalka Itoobiya taas oo sidday wafdi Itoobiyaan ah oo doonayay in ay tagaan magaalada Hargeysa ee Gobalka Waqooyi Galbeed, Diyaaraddaas oo ay Hay’adda Duulista ay ka celisay Hawada Soomaaliya.

Diyaaradda Sidday wafdiga Itoobiyaanka ahaa, ayaa waxaa qasab ku noqotay in ay ku laabato magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia.

War saxaafadeed kasoo baxay dhawaanHay’adda duulista hawada ee Soomaaliya ayaa u qornaa sidan.